Warar

Aadan Faarax Ibraahim oo loo doortay Afhayeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Itoobiya.

Aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya ayaa Guddoomiye u doortay Aaden Faarax Ibraahim oo ahaa Madaxweyne ku Xigeenkii Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Golaha oo maanta shir uga socday xarunta dalka ee Addi ababa ayaa udoortay Mudane Aadan Faarax inuu noqdo afhayeenka Golaha federeeshinka kadib markii ay todobaadkan si iskeed ah isku casishay af hayeenkii hore ee golaha Keriya Ibraahim.

Waxaana ku xigeenka golaha loo doortay marwo Itsaganat,Maadaama mudane maxamed Rashiid uu deegaanka soomaalida ka soo jeedo,isla markaana loo baahday in fursada looga faa,iideeyo deegaanada kale.

Sidoo kale Golaha ayaa Go’aamiyay in dib loo dhigo tirakoobka dadka iyo guryaha,maadaama lagu jiro xili safmarka covid 19 uu saameyn ku yeeshay dalka.

Waa xilkii ugu sarreeyay ee ruux Soomaali ah ka qabto dalka Itoobiya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button