Warar

Max’ed H Biixi: Falanqayn Khudbadihii Shirka

W/Q Maxamed Haaruun Biixi

Maalintii shalay ahayd indhuhu Djibouti ayay wada eegaayeen, waxaana dhacay drama ama show caadi ah. Hadaladii la jeedshay waxa iigu qiimo roonaa midkii Abiy Axmed – number 1 baan siiyay. Ustaad Muuse qudhiisu ma yaraysan oo wacdaro ayuu dhigay. Runtii wacdaro ayuu dhigay kolka lagu eego indho geeljire – wixii uu hayay wuu ku faaruqiyay nimankii. Ingiriisi wixii uu hayay oo dhan, oo xataa intii Ciidagalaha lagu daray wuu wada riday shalay. Xataa in yar ma u reebin kulamada dambe. Kulan siyaasadeed buu ahaa 100%, laakiin Biixi waxa uu u dhaqmay in fagaaruhu yahay mid qaanuun oo u egg in maxkamad la fadhiyo. Wadahadal usbuucyo la diyaarinaayay, oo uu aqbalay in uu ka qayb galo, ayuu xafladdii furitaanka ka sheegay in aan loo baahnayn in la wada hadloba kol hadii aan heshiisyadii hore waxba ka fulin. Dhaliil muuqata ayay leeyihiin qoladii waraaqda soo qortay oo uu u horeeyo nin marfash ku haysta Galbeedka magalaada Hargeysa, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Warsame. Ninkan oo hawlgab ah waxa uu ka mid yahay cajaa’ibta Somaliland, waxa uuna lacag buuran ku qaata in uu Somaliland u matalo Qaramada Midoobay, laakiin se ma soo gaadho biriijka Hargeysa ee badhtamaha magaalada ku yaalla. Isku soo wada duub, dhawaaqii hog-seegga ahaa ee Saleebaan-guurti iyo hadalkii dhiigjoojinta ahaa ee Faratoon ee ka dambeeyay, oo lagu daray kulamadii shalay/xalay, waxa ka dhashay in shirku tubtiisii haysto oo gudiyadii farsamadu fadhiistaan.

Geesta kale, Dadka siyaasadda Soomaalida ku jira siyaalo kala duwan ayay maalintii shalay iyo xaalkeeda uga war celiyeen, qolada Puntland ayaa se u meeqaan hoosaysay. Waxa ay yidhaahdeen hadii aanaan shirkaas joogin anaku, maba ahayn in la isu yimaad ee ka istaaqfurulaysta. Isku soo wada duub, waa muqataa in si micno darro ah Soomaalidu ay u kala socoto una kala socotay, waxaana yaab iyo uur-ku-taallo ba leh, in hogaamiyaha Itoobiya uu shalay Soomaalida ku baryay, oo ku wacdiyay in ay is ogolaadaan oo dunida iyo gobolka ba la tartamaan, dadkooda na u tudhaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button