Warar
Somaliland Iyo Somalia Oo Is Mari waayay
Shirkii Djibouti oo caawa lagu kala kacay
Ergadii Somaliland iyo Soomaaliya ee uu wada hadlku u socday ayaa caawa ku kala kacay shirkii, waxase socota dhexdhexaadin uu waddo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.
Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in qodobada la isku mari waayay ay ka mid yihiin isu socodka siyaasiyiinta, inaan la siyaasadayn deeqaha iyo maalgashiga iyo dariiqii Somaliland loo soo marin jiray deeqaha ee “Special arrangement”.
Geeska Afrka