Warar

Biyaxidheenka weyn ee Xabashida: W/Q Ibraahin-hawd 

Biyaxidheenka weyn ee Xabashida
W/Q Ibraahin-hawd

Biyaxidheenka Xabashidu dhismihiisa gabagabada marinayso ee la gu koolkooliyo magaca Grand Ethiopian Renaissance Dam (Gerd) waa riyadii u gu weynayd abid ee dal Afrikaan ahi rumaynteeda ku tallaabsado. Waa dhiirrani iyo ragannimo ka timid ninkii adkaa ee Meles Senaawi oo ahaa is la ninkii Soomaalida jilbaha dhulka u gu dhuftay ee in ay hinqato ka xarrimay. Haddaba waa maxay muranka biyaxidheenkaa ku gadaaman iyo dhiillada ka baxaysaa?

Aynnu eegno horta webiga Niil iyo taariikhdiisa. Waa webiga u gu dheer caalamka oo dhan, wax uuna ka mid yahay kuwa u gu biyo badan. Wax uu isaga tallaabaa 10 dal, wax uuna qulqulaa 6650 km. Dalalka uu maro waxaa loo qaybiyaa laba: Dalalka burqashada oo ka la aha Burundi, Tansaaniya, Ruwaanda, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Koongo, Kiiniya, Yugaandha iyo Itoobbiya, iyo dalalka shubanka oo iyaguna ka la ah S Koonfureed, Soodaan iyo Masar. Niil asal ahaan waa laba webi oo Kharduum is ka ga darsama, waana ka cad oo ka yimaadda harada Fiktooriya iyo ka buluugga ah oo ka dillaaca harada Taana ee Itoobbiya. 80-85% biyaha Niil waxaa keena ka ka yimaadda harada Itoobbiya.

Labadii ilbaxnimo ee Afrika u gu waaweynaa u guna cimri dheeraa wax ay ka dhasheen shubaalka webiga Niil oo ah Masartii Fircoonnada iyo Soodaantii Kuushka iyo Nuubiga. Weligood ilaa maanta reer Masar halbowlaha noloshoodu wax uu ahaa webigaa, waxaana beri fog baxay halhayska ah “Masar waa deeqda Niil, Niilna waa deeqda Masar” waayo isaguna wuu isu hibeeyay iyaguna ilbaxnimo ayay ka abuureen. Maanta 100 malyan ee dadka reer Masar 90% wax ay cabbaan biyaha Niil, beerahooduna 100% waa webigaas. Dhul beereedka u gu hodansan Afrika oo dhan kana mid ah kuwa u gu taariikh fog dunida ee sida u gu wacan loo ga faa’iidaystay waa dooxada baaxadda weyn ee webigaasi ku faafo inta aanu ku shubmin Badda Dhexe.

Taariikhda dhow Masar wax ay ahayd dal aad muhiim u ah imbaradooriyaddii Ingiriiska ee dunida qabsatay. Haddaba sannadkii 1929 Ingiriisku isaga oo matalaya dalalka Afrikada Bari oo uu haystay wax uu Masar u saxiixay in ay iyadu keligeed yeelato, biyo ahaan iyo awood ahaanba, gebi ahaan webiga Niil. Go’aankaasi haddii uu ahaa mid uu Masar ku dhowaysanayay ka gana danaysanayay, Afrikada Bari ma ay lahayn cod iyo awood ay ku diiddo, xitaa Itoobbiya. Mar kale sannadkii 1959 Masar iyada oo ka garaabaysa cabashadii reer Soodaan wax ay oggolaatay in ay wax yar u ga oggolaato. Heshiiskan dambe wax uu dhigay biyaha sannadka ee Niil in ay Masar yeelato 55.5 bilyan oo kubik mitir, Soodaanna yeelato 18.5 bilyan. Sidaas oo ay tahay Soodaan qaybteeda ilaa maanta wax ay ka faa’iidaysataa oo keliya saddex meeloood oo meel qudha.

Iyada xaqdarrada meesha taallaa sidaa u cad dahay haddana dalalka burqashadu wax diidmo ah oo la sheegi karo ilaa imika ma ay samayn, in kasta oo cabashooyin is ka jiraan. Taa waxaa loo aanayn karaa dibudhaca iyo dawlad xumada dalalkaa ka jira oo aan waqti u siin ka faa’iidaysiga biyahan, iyo iyaga oo ah dhulal roobban oo aan dareemin biyo yari. Se waxaa Masar dhiillo ku noqotay Itoobbiya oo in muddo ah nabad heshay, dabadeed u soo jeesatay in ay ka faa’iidaysato webigeeda. Masar weligeed aad bay u ga feejignayd in Itoobbiya marnaba hesho xasillooni iyo damac ay ku hawaysato mashaariic ku aaddan biyaha Niil, sidaa darteed wax ay jeclayd qalalaasahooda iyo dibudhacooda. Tusaale ahaan Masar intii itaalkeed ah wax ay xoojin jirtay muranka dhuleed ee Soomaalidu ku la jirto Xabashida dagaal iyo diblomaasiyadba. Madaxweyne Anwar Saadaat mar wax uu yidhi:

“Haddii ay Itoobbiya sinaba isu gu daydo biyaha Niil in ay xidhato wax aan xoog ahayn ku la dhaqmi maynno. Qaran biyihiisii la taabtay waa qaran noloshiisii la taabtay, xaaladdaas oo kalena in go’aan dagaal la qaataa waa la ga ma hadlaan xeerka dunida”.

Itoobbiya iyaduna xilli aad u dheer wax ay ahayd dalweyne ay ka jirto imbaradooriyad aan damaceeda dhuleed soohdin lahayn. Badanaa dawladdaa waxaa haystay Masiixiga la ga tirada badan yahay oo gumaysan jiray dadyow tiro badan oo Soomaalidu ka mid tahay. Sababtaas bay u gu taallay wadnaha dawladaha Yurub oo gumaysigii iyo dhulboobkii ay dunida ka qaadeen iyada u ga dhawreen. Ma ay dhawrin oo keliya ee dhab ahaan wax ay ka qaybgaliyeen oo wax ka siiyeen ka la saanyashadii Geeska Afrika. Ilaa maanta Itoobbiya waa dalka kowaad Afrikada Saxaraha ka hoosaysa ee ay maalgeliyaan ee taageero horumarineed oo dhab ah siiyaan, dhan ciidan iyo mid dhaqaaleba.

Maanta Masar oo taariikhdeedu taas tahay iyo Itoobbiya oo Geeska Afrika ku adkaatay baa isu soo hadhay, waxaana is ballaqay buugga ay ku qoran tahay qisadii sooyaalka ahayd ee biyaha Niil si loo wada akhristo. Xabashidu waa kuwaa u guntaday biyaxidheen ah ka Afrika oo dhan u gu weyn, waxtarkiisana la gu sheegay kacaan horukac ah. Waxaa gacanta loo qaaday sannadkii 2011, maantana waa gabagabo. Waxaa la oddorosayaa in ay ku bixi doonto lacag gaadhaysa 5 bilyan oo Dollar, lacagtaas oo la gu keenay si walba iyo silic kasta, ay ka mid tahay qaadhaan dadweynaha la ga ururiyay gudo iyo debedba, iyo shaqaalihii oo mushaharkii la ga jaray. Mashruucani marka uu dhaqaaqo waxaa ka dhalanaysa koranto jaban oo aad u ga badan baahida Itoobbiya taas oo ay iibsigeeda sii carbuunteen dalal ay ka mid yihiin labada Soodaan iyo Jabbuuti, halka maanta dadweynaha Itoobbiya ay 30% keli ahi haystaan koranto. Sidaa darteed Xabashidu mashruucan iyo la’aantiisa wax ay u arkaan nolol iyo geeri. Taa beddelkeedana Masar wax ay u aragtaa cunaqabatayn iyo dhuunta oo loo fadhiistay, wax ayna aad u ga qaylinaysaa in ay harraad u bakhti doonaan. Masar mashruucan dhibaatada u ga muuqataa waa mid guud oo ah biyahaa la xidhayaa sida ay noloshooda u saamayn doonto mustaqbalka, iyo mid gaar ah oo muddada la dhaaminayo biyaxidheenka oo qaadaya 70 bilyan oo kubik mitir, dhaaminta oo sida la qorsheeyay bilaabmi doonta bisha soo socota ee Julaay.

Wadahadallada arrinta la ga galay Xabashidu bilowgii ilaa maanta aad bay u abaabulan tahay una miiggan tahay, laakiin Masar arrinkeeda bilowgii ilaa maanta waxaa ka muuqda noqnoqosho, go’aan jileec iyo balasbalas goor dambe ah. Iyaga oo markii hore oggolaaday ayay waqtigan ay hawshiiba dhammaatay dagaal hadalhayaan. Xaqiiqadu se wax ay tahay dawladda Masar mashruuca in ay dhab u diiddo ama ka dagaallanto mar hore iyo mar dambe toonna dooni mayso, waxaa se jirta fowdo siyaasadeed oo gudaha ah. Ninkan meesha jooga ee Siisi la lee yahay oo dawlad la doortay afgembiyay dadkiisa badankoodu ma jecla oo aad baa loo gu kacsan yahay, waxaana badan canaanta ah in uu mashruucan joojin waayay goortii habboonayd. Waxaa taa u dheer dhaliisha ka ga timid laba jasiiradood oo Badda Cas ku yaal oo ay Sacuudiga ku muransanaayeen oo uu siiyay. Mana uu siin runtii ee soohdintii labada dal loo jeexay baa bero hore Sacuudiga raacisay. Dabadeed dadka badan ee Siisi sidiisa u diiddani wax ay ku afuufeen dacaayad ah labada jeerba in uu yahay fuley khaa’in waddan ah. Markaa muranka ka imanaya dawladda Masar ee biyaxidheenka ku saabsan intiisa badani waa majaajillo la gu jeedinayo dadkaa kacsan.

Taasi ha jirto, waxaa se jira muran dhab ah oo ah muddada biyaxidheenka la dhaaminayaa inta ay dherer la’eg tahay, waayo xaddiga biyo ah ee muddo yar la duwaa wax ay degdeg u dhimaysaa biyaha Masar gaadhaya. Markaa Masaaridu wax ay qabaan biyaxidheenka in qunyarqunyar loo dhaamiyo muddo u dhaxaysa 12-18 sano. Xabashidu iyagu wax ay ku adkaysanayaan 5 ilaa 6 sano, taas oo ay sheegeen in aanay biyaha Masar wax muuqda ka dhimayn.

Soodaan iyadu in kasta oo ay wadahadalka qayb ka tahay dhab ahaan muranka waa ay ka baxday kolkii ay yaqiinsatay biyaxidheenkaasi in uu qudheeda u lee yahay waxtar badan: Koranto jaban bay ka helaysaa, fatahaadihii ay dhibaatada ku qabtay baa ka yaraanaya, dhul beereed maanta biyo fadhiisin ah baana u hagaagaya.

Waa la arki faataadhugta Masaarida iyo mintidnimada xabashidu halka ay ku dambayso.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button