Warar

Covid-19 oo La Ogaaday in uu Hawadda Ku Faafo

New York (Sayruuq)- Wargeyska New York Times ee dalka Maraykanka oo shabkadda sayruuq news ka soo turjmtay ayaa sheegaysa in boqolaal khubaro caafimaad ah ay dhameeyeen daliliilo u cadeynaaya in feeraska Karoona hawadda lagu kala qaadi karo kadib markii ay ogaadeen in hawadda ay dhex socon karaan walaxo yaryar oo ilma qabatay ah oo faraska ahi dhex mushaaxaan hawadda marka qof xanuunka qaba hadlo ama hindhiso, iyadoo Hay`adda Caafimaadka addunkana ku booriyay in ay dib ugu noqdaan tilmaamaha caafimaad.

Hay`adda Caafimaadka adduunka ayaa tibaaxday in faarasakan Covid-19 la isku qaadsiyo marka qof qufaco qoyaanka yar ee afka ama sanka ka soo baxaa in qofka kale ku qaadsiiyo.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in khubaro dhan 239 khabiir oo ka soo kala jeeda 32 dawladood ay waraaq furan u gubiyeen WHO sheegaysa in in walax yaryar ee fayrasku aadamaha ay hawadda ku qaadayaan, kawaaso ku qanacsan in ay warbixintooda ku soo saaraan Journal Cilmiyeed wiig lah.

Hay`adda Cafimaadka Addunka ayaan ilaa hadda ka jawaabin baaqaasi.

culimaddan dooda hawadda in la isku qaadsiiyo karoonaha ku adag ayaa sheeegaya in xanuunku ku faafayo markaa hawadda la nuugo taasi ay ku jiraan dhibco yaryar  oo xoog u faafaya oo ka imanya hadlka ama hindhisadda waxaanay gaadhi karaan marka qol lagu jiro koone ilaa ka koone.

MSN

Sayruuq News

Hargeysa- Somaliland

sayruuqnews@gmail.com

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button