Warar

Safiirka Shiinaaha ee Muqdisho Oo Baajiyay Safar Uu Ku Iman Lahaa Hargeysa

Safiirka Shiinaha Ee Muqdisho Oo Si Kedis Ah U Baajiyey Safar Uu Toddobaadkan Ku Iman Lahaa Hargeysa

Hargeysa(Sayruuq)- Safiirka Shiinaha ee u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Qin Jain ayaa si kedis ah u baajiyay Safar uu doonayay inuu ku yimaaddo Magaalada Hargeysa.

Danjire Qin Jain oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa doonayay inuu Isniintii Toddobaadkan uu socdaal ku yimaaddo Caasimadda Hargeisa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warar  Xog-ogaal ah oo Geeska Afrika  helay ayaa xaqiijayay in Safiirka Shiinuhu uu saacadihii u dambeeyay ee Isniintii baajiyay safarkiisa, waxaanu soo raaci lahaa diyaaradda Air Jabuuti ee isaga gooshta magaaloyinka Jabuuti, Hargeysa iyo Muqdisho.

Sababta baajisay Safiirka ayaa la xidhiidha farriin deg-deg ah oo uga timid dawladiisa iyo inay la xidhiidho dhinaca Somaliland oo uu dareemay inaan soo dhawayntiisa diyaar loo ahayn.

Safiirka Shiinaha ee Muqdisho ayaa tan iyo markii uu soo baxay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, wuxuu bilaabay qoraallo uu ku baahinayo barta uu ku leeyahay Twitter ka oo uu ku durayo xidhiidhka curdinka ah ee Somaliland iyo Taiwan.

Xigasho: Wargeyska Geeska

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button