Warar

Gabadhii Ugu Horeysay ee Doorasho Ku Soo Baxda – Caasha Oomaar 1964 kii

Xildhibaan Caasha Oomaar Warsame Wacays.
Waa xildhibaankii haween ahaa ee markii ugu horreysay taariikhda soomaalida doorasho dadwayne lagu soo doorto Magaaladda Hargeysa ka soo baxda sanadkii 1964 kii. Taariikhda waa gabadhii Ugu horeysay ee Soomaalida Geeska Afrika ku nool ee doorasho la codeeyo ku soo baxda.

Doorashadaas oo ahayd Doorashadii Golaha Deegaanka ee magaaladda Hargeysa. Waxayna kasoo baxday xisbigii SDU (Somali Democratic Union) , iyadoo la tartantay musharaxiintii saddexdii xisbi ee Ugu waaweeynaa oo wada rag ahaa oo ka kala socday xisbiyadii SNL , NUF iyo SYL. Caashi waxay hada ku nooshahay Magalada Hargaysa. Waxay tusaale nool u tahay taariikhdii la soo maray iyo sidii uu beryaha qaar dadkani ahaan jiray iyo in haddii dumarka la siiyo fursad ay ku tartamaan in ay ku soo bixi karaan doorashooyinka.

Maanta sababta kootada in loo xidho keentay waxa weeyi iyadoo kolka hore saddex xisbi uun layska sharaxi karo, marka labaadna waa iyadoo xisbiyaddii ay reero iyo qabaa’il wax laguu sharaxayo, taasoo ay reerahiina u arkaan inay ceeb tahay in ay qof dumar ahi reerkii matesho. Xildhibaan Caashi hadda way nooshahay oo yara xanuunsanaysaa ee ha loo soo duceeyo. Dumarkuna way u qalmaan fursad kasta iyagaana ragga ka daacadsan. Gabadhaasina waa in buugaagta taariikhda lagu xardho.

Xigasho: xogta wiilka ay eedadda u tahay Axmed Kidaarcune iyo dad kale oo waaweyn.
Xigasho Sawirka: xamse Cawaale

W/Q Jamaal Cali Xuseen

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button