Warar
Baarlamanka Soomaaliya oo kalsoonidii kala noqday ra’iisal wasaare Kheyre
WAR DEG DEG AH:Baarlamanka Soomaaliya ayaa kalsoonidii kala noqday ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumaddiisa, sida uu hadda sheegey Guddooomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.
170 Xildhibaan ayaa u codaysay in xilka laga xayuubiyo ra’iisal wasaaraha, waxa diidday 8 mudane. Goluhu waxay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen in ay dalka gaadhsiin wayday doorasho qof iyo cod ah.
Haseyeeshee buuq iyo sawaxan ayaa hadheeyey fadhiga ay codayntan ka dhacday.