Warar

Imaaradka iyo Israel oo Xidhiidh Diplomacy Yeelanaya

Imaaradka iyo Israel oo Xidhiidh Diplomacy Yeelanaya

Dhaxalsugaha dalka Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Saayid iyo raysalwasaaraha Israa’iil Benyaamiin Netanyaahu oo khamiista maanta ee 13 ka Aug wadahadlay ayaa ku heshiiyey in ay xidhiidh buuxa oo diblumaasiyadeed yeeshaan Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil.

Warmurtiyeed ay wadajir u soo saareen Maraykanka, Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ayaa xidhiidhkan ku tilmaamay in uu wanaajin doono nabadgelyada gobalka Bariga Dhexe, isla markaana uu marag u yahay diblumaasiyadda xooggan ee dhinacyadan iyo aragtida saddexda hoggaamiye oo la sheegay in dalalkoodu ay caqbaado badan oo isku mid ah waajahayaan.

Muddo ayaa la hadal hayey xidhiidhka Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil oo dad badani aaminsanaayeen in uu si qarsoodi ah u jiray, iyada oo ay xogaha qaarna sheegayaan in dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga qudhiisuna uu ku jiro xidhiidho qarsoodi ah oo uu la leeyahay Israa’iil lagana yaabo in mustaqbalka dhow sidan oo kale rasmi looga dhigo.

Tallaabadani waxa ay guul u tahay Israa’iil oo tobannaan sano ahayd gasiirad ku dhex jirta badweyn carbeed, mar kastana halis amni darro wadnaha farta kaga haysa. Waxaana la filayaa in cadaawadda sii xoogaysanaysa ee ay Imaaraadka, Sucuudiga, Israa’iil iyo Maraykanku u hayaan Iiraan ay ka mid tahay sababaha soo dedejinaya xidhiidhkoodan.

Kamaal Marjaan

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button