Warar

Muuse Biixi Nin garanayey sababtii uu Kulmiye u soo galay

Muuse Biixi Nin garanayey sababtii uu Kulmiye u soo galay iyo Jidkii uu u soo maray Hoggaaminta dalka iyo Ta Xisbiga KULMIYE

Muuse Biixi Cabdi, oo ah imika Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta jidka dheer u soo maray Hankiisa siyaasaddeed.

Muuse Biixi waxa uu ka mid ahaa Siyaasiyiintii aasaastay 2001-dii Urur-siyaasaddeedkii Sahan la odhan jirey ee Hoggaamiyaha ka ahaa Dr. Maxamed Abdi Gaboose ee ku hadhay doorashadii Dawladddaha hoose ee 2002-dii, kuna soo baxeen saddexdii Xisbi Qaran ee Kulmiye, UDUB iyo UCID. Madaama oo uu Kulmiye ka mid ahaa Ururradii u dambeeyey ee la diiwaan geliyey, Muuse Biixi iyo Siyaasiyiin kaleba waxa ay ka mid noqdeen Ururradii Kulmiye xagga diiwaan gelinta Ururnimo ka horreeyey.

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland, waxa uu markii Ururkiisu hadhay oo ka mid noqday siyaasiyiin miisaan culus ku lahaa dalka oo ku biiray Kulmiye, markii Ururradoodu hadheen 2002-dii

Muuse Biixi, markii uu Kulmiye galay waxa uu halgan u galay sidii uu saameyn ugu dhex yeelan lahaa Kulmiye, madaama oo Xisbigaasi uga soo horreeyeen asaaskiisiina qayb ka ahaayeen Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno ay isku deegaan ahaayeen, kuwaas oo uu u arkayey in ay yihiin kuwo halis ku ah damacii siyaasaddeed ee ka dhex guuxayey wakhtigaasi.

Dhaqdhaqaaqyadii uu sameeyey Muuse Biixi si uu Kulmiye uga dhex muuqdo, madaama ay ku hareeraysnaayeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye siyaasiyiin Beeshiisa ah oo ay ugu cad cadaayeen Cabdicasiis Samaale, Alle ha u Naxariistee Maxamed cabdi Iskeere iyo Ahmed Xuseen Ciise iyo xubno kale, waxa ka mid ahaa inuu damaco sannadkii 2007-dii inuu murrashax Madaxweyne kuxigeen u noqdo Axmed Siillaanyo oo ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Muuse Biixi, waxa uu dhaqdhaqaajiyey xilligaas Odayaal deegaankiisa ah, kuwaas oo uu weydiistay in ay taageeraan hankiisa, waxaanay warbaahinta qortay wakhtigaas in Waxgaradka Beeshiisu ku taageertay hanka Muuse Biixi.

Arrintan ayaa guux siyaasaddeed ka dhex abuurtay Kulmiye iyo Dalkaba, madaama oo ay ahayd arrin lama filaan ah, oo aan la jaan-qaadeyn dhaqankii siyaasaddeed ee Somaliland ee ahaa in aanay Beesha dhexe Madaxweyne iyo kuxigeen isu noqon karin.

Tallaabadan ayaa dadkii siyaasadda lafo guri jiray waxay ku tilmaameen in ay ahayd is muujin iyo farriin ku socotay Xubnihii Deegaankiisa ee ku hareeraysnaa Guddoomiyihii Kulmiye Axmed Maxamed Siillaanyo, in uu tuso hankiisa Hoggaanka Kulmiye oo wakhtigaasi soo dhawaa, gaar ahaan Ahmed Xuseen Ciise oo ahaa Xoghayaha arrimaha Dibedda ee Kulmiye oo isaga laftiisa damac kaga jiray guddoomiyenimada KULMIYE.

Shirweynihii labaad ee Kulmiye ee ka qabsoomay Ambassador Huteel Dhammaadkii bishii March ee 2008, ayaa waxa Muuse Biixi loogu doortay guddoomiye Kuxigeen koowaad lloolan adag ka dib, Guddoomiye Siillaanyo ayaa wakhtigaas si cad u taageeray Muuse Bixii, isaga oo sababihii uu u taageeray loo nisbeeyo in ay ka mid ahayd Axmed Xuseen Ciise oo damacay inuu u tartamo Guddoomiyenimada Kulmiye, si looga horkeeno Muuse Biixi iyo Mujaahid Cabdillaahi Dhegoweyne oo isagana diiday inuu Muuse Biixi u tanaasulo, si cad ula tartamay shirka dhexdiisa, iyada oo ergada shirku codka siiyeen Muuse Biixi inkasta oo ku soo dhawaaday Mujaahid Dhega weyne.

Markan Muuse Biixi noqday guddoomiye kuxigeenka koowaad, waxa kor u kacay damaciisii Kulmiye, madaama oo uu ku soo dhawaaday kursiga Guddoomiyenimo.
Laba sanno ka dib markii loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad wuxuu damaciisii keenay inuu ku siqo Guddoomiyenimada xisbiga Kulmiye.

Shirkii golaha Dhexe ee Burco ka qabsoomay bishii Siddeed ee sannadkii 2008, Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Guddoomiye Kuxigeenka waxa uu u arkay shirkaas mid uu ka dhacsan karo Guddoomiyenimada Kulmiye, waxaanu ka cago jiiday ka qayb galka shirkan illaa meel lagu tiiriyo Damaciisa, muddo laba cisho kuwo ayuu shirku u baaqday, markii uu Hargeysa ku hadhay, isaga iyo Xoghayihii Guud ee Wakhtigaas ee Xisbiga Alle ha u naxariistee Kayse Cige.
Tan waxay ahayd fursad weyn Muuse Biixi ka faa’idaystay si hankiisa loo loogu tiiriyo, madaama oo uu ogaa in Shirkaasi yahay mid xasaasi ah oo lagu doonayey in isbeddel lagu samaynayey Murrshaxa Madaxweyne Kuxigeenka oo meesha laga saaray Mujaahid cabdiraxmaa Aw Cali Faarax oo Axmed Siillaanyo murrashax Madaxweyne kuxigeen u ahaa doorashadii madaxtooyada ee 2003-dii.

Siillaanyo oo dareensanaa dilaaca uu ku keeni karo Kulmiye daaqad ka saarista Abdiraxmaan Aw Cali iyo keenista murruashixii uu watay ee Abdiraxmaan Saylici oo inta badan ay ka soo horjeedeen Jabhadii ku jirtay xisbiga Kulmiye, waxa uu labadii culays ee saarnaa doorbiday in xal uu la gaadho Muuse Biixi oo watay shuruudo ay ka mid ahaayeen in doorashada Madaxtinimada ka dib haddii uu Axmed Siillaanyo Guuleysto in lagu wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga kulmiye.

Riyadii Muuse Biixi ee Guddoomiyenimada Xisbigu waxa ay u rumowday horaantii bishii Siddeed ee 2010-kii.

Ka dib markii uu hantay Guddoomiyenimada Xisbiga, talaabaddii xigtay waxa ay noqotay sidii uu u noqon lahaa Murrashaxa Xisbiga Kulmiye, halkan marka la marayo waa meeshii ugu adkay ee uu kala kulmo loollan adag oo ka imanaya meelo kala duwan, oo ay u horreysay Wasiirro ka tirsanaa xukuumadda Kulmiye oo si weyn uga soo horjeeday Murrashaxnimada kulmiye ee Muuse Biixi doonayo, kuwaas oo ahaa kooxo danno kala duwan lahayd, isla markaana dagaalka ay ku doonayaan in Muuse kaga hor istaagaan murrashaxnimada iyo in loo doorto guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye shirweynihii saddexdaa u adeegsanayey awood dhaqaale iyo mid dawladdeed.

Wasiirradani waxa ay markii hore ku galeen dagaalka in loo tartamo Guddoomiyenumada Kulmiye, waxana raggii damac lahaa ee la dhaqdhaqaajiyey ka mid ahaa Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis, kuwaas oo taageero ka helayey Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu aamisanaa in aanu Muuse Biixi ahayn murrashaxii Kulmiye ku haboonnaa, madaama isaga laftiisu damac lahaa, waxa uu u arkayey in caqabad ku noqon doono.

Hirdan iyo is jiid jiid dheer ka dib, Madaxweyne Siillaanyo ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu dhisayo Muuse Biixi Cabdi, isaguna uu ka tanaasulay Murrashaxnimadii teeramkiisa labaad, dhawaaqayna waatii ay ka dhalatay Wasiirradii is casilay.

Taariikhdan kooban ee guud-marka ah iyo falan-qeynta ku ku jirtaa waxa ay muujinaysaa jidkii uu Madaxweyne Muuse Biixi u soo maray Kursiga u sarreeya dalka ee uu ku gadhiyi maanta.

Tani waxay ku tusaysaa in damacaaga inaad u mari karo jidadk kale duwan oo aad ku gaadhayso, Madaxweyne kuxigeenka iska doontayaa, xilli lagu baahan yahay waraaqo ka saxeexatayaa, Shaani qarxisayaa, Xukuumadda xisbigaaga Mucaaradayaa

Saleeban Haashi

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button