Warar

WARSHAD KALUUN  OO  LAGA BILAABAYO SOMALILAND

WARSHAD KALUUN  OO  LAGA BILAABAYO SOMALILAND

Christian Fris Bach oo ahaa Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo Horumarinta Denmark ayaa waxa uu sheegay in kulankii uu la qaatay Mad
axweynaha Somaliland Mousa Bihi, ay isku afgarteen in ay samaynayaan warshad weyn oo soo saarta kaluunka Somaliland,taas oo ay u dhoofin doonaan wadamada ku yaala Europe.

Christian Fris Bach ayaa sheegay in Denmark ay noqonayso wadanka ugu horeeya ee loo iib
geeyo kaluunka Somaliland.

Bach ayaa sheegay in shirkad lagu magacaa
bo IFU ay maalgalinayso warshadda kaluunka Somaliland,oo uu sheegay in ay noqonayso warshadda kaluunka ee ugu weyn gobolka.

IFU ayaa malaayiin doolar ku maalgalisay 100 wadan oo soo saara kaluunka.

Denmark ayaa dibadda ka soo dhoofsata 1,336,849 ton oo kaluun iyo cuntada badda, iyada oo ku soo iibsata lacag ah £3.1bilyan sanadkii.

Christian Bach ayaa sheegay, in mashruucan Somaliland ay ka soo galayso lacag adag oo ah malaayiiin dollar,isla markaana kobcinaysa shaqo abuurka wadanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button