Warar

Xisbiga Waddani Oo Shaaciyay Shirkad Maayarka Hargaysa Iyo Shakhsiyaad Kale Leeyihiin

Xoghayaha Arrimaha bulshada ee xisbiga WADDANI Md Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa soo bandhigay shirkad lagu naasnuujiyo shakhsiyaad qurbejoog ah oo maayarka caasimadduna qayb ka  yahay taas oo qabata adeeg dawladda hoose qaban jirtay.

Shirkaddan ayaa macaashta lacago badan oo sharci darro ah oo ay ka qaaddo shacabka Hargeysa taas oo ah cashuur sharci darro ah sida uu muujinayo baadhitaanka xoghaye Dhamme.

Shirkaddan lagu magacaabo GEOSOL ayuu sheegay in ay ka shaqayso hannaanka maam gelinta ee guryaha magaalada taas oo ah shaqo dawladda hoose qaban karto horena u hoos tagaysay qaybta qorshaynta.

“GEOSOL Waa shirkad macaash oo lagu sameeyay sifo sharci daro ah, waana shacab cashuur ka qaadaya shacabka Hargaysa. Labada sano ee ay jirtay waxa ay sameeyeen Toban Milyan oo doollar lacag ka badan, waxa shuraako ku ah Maayarka caasimadda Hargaysa iyo Toddoba qof oo qurba joog ah, waa shirkadda samaysa adeegga GIS, soo eegidda dhulka waxay qaadan $40 samaynta File-ka dhulka $100 Illaa $360, adeegay qabtaan waa kii Dawladda Hoose ee Hargeysa ee jiray,” Xoghayaha arrimaha Bulshada xisbiga WADDANI  Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button