Somali News

Itoobiya Oo ka hadashay Socdaalka Wasiirkeeda Jooga Hargeysa

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa si kooban uga hadashay safar laba maalmood ah oo wasiirru-dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya ee dhanka siyaasadda Mr Ridwaan Xuseen ku joogo magaalada Hargeysa.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Mr Ridwaan kala hadlay madaxweyne Biixi arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, arrimaha isu socodka aagga xuduudka labada dal iyo xoojinta is dhexgalka dhanka dhaqanka iyo xidhiidhka labada bulsho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button