Somali News

Dhoqoshay: Shacab Muddo Haystay Diyaarad Ay Ka Shakiyeen

Shacabka ku dhaqan deegaanka Dhoqoshay ee gobolka Togdheer ayaa saaka daqiiqado kooban la wareegay mid kamida diyaaradaha qumaatiga u kaca oo hawlo shaqo deegaankaasi ku joogtay .

Diyaaradan oo qeyb ka ahayd hawl galada sahaminta iyo buufinta Ayaxa ee wasaarada Beeraha Somaliland ayaa saaka hawl gal ugu baxday deegaano hoos yimaada hawdka gobolka Togdheer waxaanay fadhiisatay meel ay ka dhawaayeen dadka deegaankaasi si ay u weydiiyaan in ay u tilmaamaan Ayax inuu joogo deegaanka iyo inkale .

Dadka deegaanka oo diyaaradan uga shakiyay inay tahay mid macdanta deegaankooda ka qodanaysa ayaa taleefano kuwada hadlay waxaana daqiiqado kadiba la wareegeen diyaaradii .

Mukhtaar Cabdiraxmaan oo kamida saraakiisha wasaarada Beeraha ee dhanka Ayaxa oo diyaarada saarnaa oo isku dayay inuu dadka qanciyo ayay kà diideen, xidhiidh aan la sameeyayna wuxuu ii sheegay in wakhti badan aanay ku qaadan inay ka baxaan gacanta shacabka .

Xidhidh aanu la sameynay laamaha ammaanka ee gobolka iyo kan deegaanka ayaana noo suuro galiyay ayuu yidhi inaan dib shaqadaydii usii wadano dadkuna fasaxaan duulimaadkayaga markii loo xaqiijiyay in diyaaradu tahay kuwii Ayaxa ee wasaarada Beeraha Somaliland.

@ Wariye Faysal Fifa

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button