Somali News

Nin Faras dabadii ka dagay, wax u dhaama ayuu waayay.

Nin Faras dabadii ka dagay, wax u dhaama ayuu waayay.

Gardarro ka wayni ma jirto in Siyaasi Cabdiqaadir Jirde lagu canaanto go’aanka uu kaga tanaasulay tartankii gudoomiye-nimo ee xisbiga Wadani, waayo hadaynu si run ah u qiimayno duruufaha uu Cabdiqaadir wajahayay way adag tahay sida ay maskaxdeena ugu soo dhacayso canaantaasi.

Cabdiqaadir waxa uu qaatay go’aankii ugu munaasibsanaa. Waana go’aan uu qaadan lahaa siyaasi kasta oo u miisaan culus sida Cabdiqaadir Jirde. Wuxu muujiyay qaan-gaadh-nimaddii aynu ku naqaanay Siyaasi Jirde. Muu yeelin sidii ay yeeli lahaayeen kuwa yoo-yoo-tamaa. Muu yeelin sida ay yeeli lahaayeen kuwa siyaasada u soo shaqo tagay. Muu yeelin sida kuwa ka madhan hiraal iyo aragtiyaha siyaasadeed ay yeeli lahaayeen. Horayso iyo danbaysana cadaalad maaha in isaga eeda dusha laga saaro.

Haddaba yaa dusha u ridanaya kursiga gudoomiye-nimo ee dayacmay?

Si kooban hadaynu u sheegno eeda waxa qaadaya sadex daraf; aan ugu horeeyo sida ay u kala muhiimsan yihiin;

  1. Beesha Arab: Beesha Cabdiqaadir waa kuwa sida rasmiga ah uga tanaasulay hanashada kursigaas, eeda halkaas ka timi %60 iyaga ayaa dusha u ridanaya. Sidee?

Judhii horaba Cabdiqaadir waa la hagraday, beeshiisuna umay muujin taageeraddii looga baahnaa. Siyaasadu hadyad maahe waa hoo iyo hoo ( Give and take). Labadii awoodood ee wax lagu goosanayay midna Arab kumuu tarin Jirde. B. Waa ta koowaad e’ Cod kumuu tarin oo codkoodi waxay u qaybiyeen xisbi gudoomiye looga balan qaaday, iyo mid aan waxba laga waydiin. Cajiib.

T. Waa ta labaade hal doolar laguma taageerin olalahii uu ku jiray.! Markaa maxaad gudoomiye ku doonaysaa bal? Siyaasadu waa is garabsi iyo dano is-dhaafsi. Maxaa lagaa dheefaya adiga?

  1. Xisbiga Wadani %20: Heshiiska hore ee uu wadani la galay ina Jirde waxa uu ahaa mid dabacsan. Nacamtii lamuu jaan-qaadayn duruufaha markaas jiray. Hadalka haddii halkiisa loogu tago muu ahayn heshiis lagu badalan karo wixii dhinaca kale laga rabay, waxay ahayd in heshiisku ka soo dhismo dhanka dhaqanka, siyaasiyiintuna dusha kala socdaan, laakiin waxa uu noqday taa caksi-geeda, waxaana uu keenay fashilka ku dhacay Cirro iyo Jirdaba.
  2. Kaadirka xisbiga ee deegaanka Cabdiqaadir ka soo jeeda %20: Horayso iyo danbaysaba may samaynin dedaalkii loo baahna si loo gaadho yoolkii xisbiga iyo deegaankaba. Waxa jiray kala furnaan wayn oo u dhaxaysay dadka deegaanka iyo xisbiyahanada deegaanka ka soo jeeda, taasina waxay keentay in deegaankii lagaga saamayn bato xisbigii Wadani.

Gunaanad:

  1. Xisbiga Wadani wali waxa ku dhiman jawaabaha su’aalo kale oo ay dadka deegaanku ku salayn doonaan go’aanka ay qaadanayaan.
  • Waxa muran ma doon ah haddii aan lays yeel-yeelayn in Kulmiye dalka u horseeday kala qaybin iyo cadaalad darro, dhamaana uu faraha ka qaaday horumarinta Soomalilaan inteedi badnayd.

  • Kulmiye in talada dalka laga soo wareejiya waa xalka kaliya ee dawlad-nimaddi lagu soo celin karo, waana yoolka koobaad ee u yaala umadda reer Soomalilaan.

  • Wabbilahi tawfiiq.

    Qore : Noradiin cismaan

    Related Articles

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Back to top button