Jamal OsmanSomali News

Xaaladda Itoobiya Iyo Qoomiyadda Soomaalida

SOOMAALAY GARAAD LAAY!
(Xaaladda Itoobiya Iyo Qoomiyadda Soomaalida)

Qaramada Midoobay iyo Dawladda Maraykanku waxad moodaa in ay ku fashilayaan sidii ay ugu qancin lahaayeen Abye Ahmed in Itoobiya laga badbaadiyo dagaal sokeeye oo weliba qoomiyadaysan kaas oo gaadhi kara heer xun oo Itoobiya ay ka dhici karto tii ka dhacday Rwanda horaantii sagaashanadii iyo tu ka sii darani, marka dagaalku ka dhex qarxo Caasimadda Addis Ababa gudaheeda qoriguna faraha ka baxo ee gacmaha u galo dadwaynaha kala qoomiyadaha isu ciilka qaba ah. Dabcan baqaha ugu wayn ayaa ah in labada qoomiyadood ee ugu tirada badan Itoobiya iyo magaalada Addis Ababa lafteeda waa Oromada iyo Amxaaro eh ay toos isugu dhacaan ee ay noqdaan Hutu iyo Tutsigii oo kale.
Weliba Amhaarada inta uu ciil qabtaa maaha Oromada ay Addis Ababa iyo degaamo kaleba isku hayaan. Tigrayga laftiisa ayaa u malmal cunsan oo dibnaha qaniinsan weliba dhinaca kale ma jirto qoomiyad ay xulafo gaar ah yihiin ama hadh u jiidaysa Qoomiyadda Amxaarada oo degaankooda ka sokow gobolada kale ee Itoobiya oo dhanna si filiqsan ugu baahsan. Sidaa daraadeed Qoomiyadda Axmaaradu waxa la soo dersi kara halista ugu wayn hadii sida muuqata dagaalka lagaga adkaado ciidamada daacadda u ah Abye Ahmed dawladda dhexe ee federaalkuna meesha ka baxdo marka loogu galo caasimadda Addis Ababa.

Sida aynu wada ognahay sanad ka dib weerarkii Abye Ahmed uu ku qaaday Gobolka Tigray dagaalkii uu bilaabay wuxu ku socdaa in maalmaha soo socda ay ciidamada TDF iyo OLA ay qabsadaan dhamaan goobaha Istraatajiga ah iyo inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee degaamada qoomiyadaha Amhaarada, Canfarta, iyo weliba Oromada. Hadana Abye Ahmed waxad moodaa in aanu ku talogelin wadahadal iyo xal siyaasi ah oo lagu soo afjari karo dagaalka. Waayo wuxu garanayaa in horta isagu uu meesha ka baxayo xalkana aanu qayb ka noqon doonin ee loo arko in isaguba uu yahay dhibaatada lafteeda wax wadahadal ahina aanu meesha soo geli karin inta uu joogo.

Sida ay ku socoto hadii dagaalku maalmaha soo socda ka dhex qarxo gudaha caasimadda Addis Ababa oo ay ku nool yihiin dad 5 milyan oo qof ka badani waxay magaaladu isu rogi doontaa goob dagaal ee ma ahaanayso caasimad maamul madani ahi ka socon karo si nabadgelyo ahna loogu noolaan karo. Waxa dhici doona oo haddaba bilaw ah in ay xidhmi doonaan safaaradaha iyo xafiisyada haya’daha caalamiga ah ee ku sugan Addis. diplomaasiyiinta shisheeyaha ah iyo shaqqalaha ajanabiga ah intooda badan ay ka bixi doona ama laga daadgurayn doonaa Addis Ababa.

Marka dagaalku ka dhex qarxo Addis waxa hubaal ah in boqolaal kun oo dadwayne ahi ay ka qaxaan magaalada weliba hadii dagaalku todobaadyo dhaafo waa suurogal in ilaa 2 milyan ka badan uu dagaalku barakiciyo. Intooda ugu badan ayaa u kala qixi doona gobolada ay ka soo kala jeedeen ee qoomiyadahooda iyo halkii ay naftooda badbaado u bidaan. Ta ugu xun ee dhici karta baqaha ugu wayna laga qabi karo ayaa ah hubka gacanta u gala dadka shicibka ah oo dhexdooda ay iskula soo jeedsadaan oo ay isku gumaadaan ilayn ma jirto dawlad hanan karta amniga magaalo noqotay goob dagaal oo dhexdeeda ay dagaalo ka socdaane.

Runta marka laga hadlayo xaaladda Itoobiya waxay maraysaa heer aad u xun oo aan hore loo arag weliba aan la saadaalin karin halka ay ku dambayn doonto. Madaxda TPLF way garanayaan halka ay ku socdaan. Weliba waxay leeyihiin (Plan A iyo Plan 😎. Xataa waxa talada ugu jira marka ugu dambaysa in ay ka baxaan federaalka Itoobiya hadii ay ka arki waayaan danta dadkooda. Amxaarada qudhoodu markii hore dan bay ka lahaayeen dagaalka balse waxad moodaa in jarti isku rogtay oo intii badnayd degaankoodii ayaa gacanta u galay xoogaga Tigrayga ee TDF. Waxa kaga daran qoomiyadnimadoodii ayaaba halis ku jirta oo WALLO iyo AGU oo degaanka bariga iyo badhtamaha degaanka Amxaarada ah ayay labaduba ku andacoodeen in la Amxaareeyay balse aanay ka mid ahayn qoomiyadda qoomiyadda Amxaarada. Kuwo kale oo muddadii dheerayd (700 sanadood) ee Boqortooyadii Amxaaradu ay ka talinaysay waxa hadda loo yaqaan dalka Itoobiya soo xukumaysay la Amxaareeyay ay la sheegayaa in ay jiraan. Qoomiyadda Amxaarada oo rumaysan in ay iyagu ay xaq u leeyihiin dhulka Itoobiya oo dhan. Taariikh ahaanna lama dafiri karo in Boqortooyadii Abyssinia oo Axmaaro ahayd ay ku fiday dhulka maanta loo yaqaan Itoobiya oo dhan marka laga reebo dhulka labada qoomiyadood ee ugu dhulka wayn Itoobiya waa Oromada iyo Soomaalida eh, oo iyaga dhulkoodu marka la isku daro dhulka Itoobiya oo dhan iyo keligood iska leh sadex meeloodow laba 2/3.

Hankii Amxaarada waxa u quus gooyay Dagaalka Tigrayga maantana wax kale uma yaalaan oo aan ahayn colaad iyo nabadba sidii ay dib ugu heli lahaayeen degaankii markii hore loo aqoonsanaa oo isu dhan. Waxa kale oo ay tahay in ay ka tashadaan xasuuq lagu gumaado dadka ka soo jeeda qoomiyadda Amxarada.

Soomaalida oo ah qoomiyad ka mid ah qoomiyadaha Itoobiya waxad moodaa ilaa hadda in aanay jirin wax talo ah oo iyaga uga meel yaal xaaladda Itoobiya ee la og yahay halka ay maanta marayso oo 100% la hubo in si iyo si kaleba saamayn ugu yeelan karta degaanka Soomaalida dad ahaan iyo dawlad ahaanba. Nasiib darro waxgaradkii Degaanka Soomaalida ee Itoobiya waxad moodaa in arimaha yar yar ee dhexdooda ay isku khilaafsan yihiin oo keliya ay ku mashquulsan yihiin ilaa ay gaadheen in ay la soo kala saftaan qoomiyadaha iyagu isku haya awoodda xukunka Itoobiya oo la odhan karo waxay u kala baxeen Ba-Tigray iyo Ba-Amxaar. Yeeli maayaan eh xiligan waxa haboon in tu kasta oo iyaga dhexdooda ah intay meel iskaga tiiriyaan ay ka midoobaan wixii dan soomaaliyeed ah. Hadii ay soomaali yihiin dantoodu waa danta soomaalida oo dhinac walba dantoodu waa danta soomaalida waayo waxa la yidhi waxa umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah. Balse soomaaliyi waa uun soomaali.

Sua’aal beri hore uu soomaalida u bandhigay AHN gabyaagii caanka ahaa ee Cabdillahi Dhoodaan ayaa ilaa maanta taagan oo aan weli jawaab loo helin. Wuxu yidhi:
XAGTIMA DHEXDIINABA WAA XARAKADAYSAANE

XURGUFTII AAN WAYNAYNBA WAA U XUSUL DOOBTAANE

MARKAASAA XIRSOW XAASHI DAA LAGU XABEEBTAAYE

XIKMADAHA ASAAGEEN WATEE XOOGA LAGU YEESHO

RAG ALLOW MAXAA NAGA XISTIYAY WAA XUJIYO YAABE?

Waxba yaanan gaar ula bixin inta degaanka soomaalida Itoobiya oo keli ahe xilku soomaali oo dhan maanta wuu saaran yahay intooda wax garanaysa m. Waayo soomaalidu waa dad keliya iyo dhul keliya

Caligurey
Hargeysa, Somaliland

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button